Maamulka G/ Banaadir Oo mamnuucay arrimo halis ku ah amniga Muqdisho

0

Maamulka G/ Banaadir Oo mamnuucay arrimo halis ku ah amniga Muqdisho

Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa ka warbixiyay ammaanka M/ Muqdisho.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in amniga Caasimadda maalmihii la soo dhaafay uu ahaa mid dagan, islamarkaana Ciidamadu ay wadeen howlgallo lagu sugayo amniga.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladii dambeeyay oo laga sameeyay degmada Wadajair lagu soo qabtay Hub fara badan.

Waxaana uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya Muqdisho laga mamnuucay in Hub lagu iibiyo, laguna dhex wato.

“Maalmihii u dambeeyay qeybo ka mid ah degmada Wadajir waxay aheyd goob ka caagan ciidanka oo hub lagu keydsado, dadka jooga meeshaas ciidanka tallaabo ka qaadeen, hub badan ayaa lagu soo qabtay, waxaa mamnuucay in hub lagu iibiyo magaalada”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa ku soo aaday, xilli maalimihii dambe gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal ammaan dari oo isugu jira dilal qorsheysan iyo dhac intaba.