Maamulka Jubbaland Oo Ku Hanjbay In Garoonka Kasoo Celin Doonaan Hadii Dowladda..

0

Maamulka Jubbaland Oo Ku Hanjbay In Garoonka Kasoo Celin Doonaan Hadii Dowladda..

Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Janan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay fara gelin ku heyso doorashada Maamulka K/galbeed isagoona xusay in dowladda Baydhabo ay ka geeysay Wasiiro,Xildhibaano iyo gawaari aan xabadda karin.

C/rashiid Janan ayaa sheegay in dhankooda aysan aqbali doonin in dowladda Soomaaliya ay fara geliso doorashada soo aadan ee maamulka Jubbaland taas oo lagu dooran doona Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku hanjabay in Musharaxii isagoo Gaari Xabad karin wata kala soo daga Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo in ay dib usoo celin doonaan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli dowladda dhexe ay la kulmeysa aadeyn ah in faragelin xoogan ay ku heyso doorashada dhawaan la filaya in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.