Sarkaal ka qeyb qaatay Qaraxii Zoobe iyo mid Ajnabi ah Oo lagu dilay howlgallo ka dhacay…

0

Sarkaal ka qeyb qaatay Qaraxii Zoobe iyo mid Ajnabi ah Oo lagu dilay howlgal ka dhacay…

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga qeybta 27-aad ee gobolka Hiiran Saalax Muumin Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanada maamulka HirShabelle.

Saalax Muumin Muuse ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ka gaareen guulo waa weyn.

Waxaana uu tilmaamay in howlgalladaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab oo uu xusay in uu ka qeyb qaatay abaabulka qaraxii xooganaa ee 14-kii October ee sanadkii hor ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Abaanduuluhu waxa uu hoosta ka xariiqay in howlgalladaasi ay ku dileen sarkaal kale Oo Pakistaani ahaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Khasaaro badan ayaa soo gaaray Al Shabaab Guulaha hada la taaban karo waxaa ka mid ah Ninkii Miinooyinka sameyn jiray oo Qaraxyada waliba ragii ugu cuslaa oo Qaraxii Soobe ka qeyb qaatay ayaan halkaasi ku dilnay, Nin kale oo Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan ayaan dilnay oo isna Qoloda Miinada dhigta ah iyo Macalin habka Miinada loo dhigo ku tababara Al Shabaab iyo rag badan oo Qoladii Miinda dhigeysay iyo Dagaalyahanno leh ayaan halkaas ku dilnay”.

Ugu dambeyn Abaanduulaha Ciidanka Xoogga qeybta 27-aad ee gobolka Hiiran  waxa uu  sheegay in deegaano badan ay Al Shabaab kala wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo-Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo-Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.