Ciidamada NISA Oo ka hortagay Miino la doonayay…

0

Ciidamada NISA Oo ka hortagay Miino la doonayay…

Ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay fashiliyeen qarax Miino oo Al Shabaab ay ku aaseen wadada u dhaxeeyso Yoontooy iyo dalacadda Lug-Law.

Saciid Cabdi Daahir Joogsade Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ay ka war heleen qaraxaasi, kadibna ay fashiliyeen.

Ciidamada sameeyay howlgalkan ayaa waxa uu sheegay in ay qabteen wax wanaagsan, laguna abaal marin doono.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi lala damacsanaa Ciidamada Huwanta oo si aad ah u istcimaal waddadaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee K/ Soomaaliya.