In ka badan 10 ka tirsanaa Oo Al Shabaab Oo la dilay, kadibna laga furtay…

0

In ka badan 10 ka tirsanaa Oo Al Shabaab Oo la dilay, kadibna laga furtay…

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 43-aad howlgal ay ka sameeyeen nawaaxiga degmada Jamaame lagu dilay in ka badan 15 ka tirsanaa Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Howlgalka oo aha mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Araare ee gobolkaasi, iyadoona  dilay 12 ka tirsanaa Al Shabaab, kadibna laga furtay Saanad Ciidan, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgallkaasi la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa iyaga.

Ciidamada Huwanta ayaa kaabiga ku haya magaalada Jamaame oo in muddo ah gacanta ugu jirta Al Shabaab, iyaga oo doonaya in ay ka saaraan halkaasi.