Rag lala xiriirinayo Al Shabaab Oo gacanta lagu dhigay, kadib howlgallo….

0

Rag lala xiriirinayo Al Shabaab Oo gacanta lagu dhigay, kadib howlgallo….

Ugu yaraan illaa 5 Qof oo lala xiriirinayo Al Shabaab ayaa Ciidamadu dowladdu waxa ay ku qabteen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Raggaasi ay ku qabteen howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-Burte ee gobolkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in haatan xubnahaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu oganaayo in ay Shabaab yihiin iyo in kale.

Muddooyinkii dambe Ciidadamada  Milatariga Soomaaliya ayaa howlgallo Waddo furis ah ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.