Sheekh Roobow Oo shaaciyay War lama filaan ah, ka hor doorashada K/ Galbeed

0

Sheekh Roobow Oo shaaciyay War lama filaan ah, ka hor doorashada K/ Galbeed

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Roobow oo ka mid ah Musharraxiinta ugu cad-cad doorashadaasi ayaa ka shaaciyay war lama filaan ah.

Waxaana uu sheegay haddii looga guuleysto xilkaasi in uusan qaadici doonin doorashada, kana hor imaan doonin Natiijada soo baxda.

“Haddii aanan ku guuleysanin Madaxtinimada Koofur Galbeed oo uu yimaado mid danta dalka iyo Diinta noo wada, waan garab istaagi doonaa, ma dhihi doono Yaasiin aan aniga ku jirin Aqbal ma ahan”ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ballan qaaday haddii uu ku guuleysto xilkan in uu wax badan ka qaban doono arrimaha K/ Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in Al Shabaab uu ka difaaci doono gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool, isaga oo kaashanaya shacabka gobolladaasi.

“Haddaan guuleysano waxaan dhihi doonaa Yaa Qori ku difaacaya cadawga ku soo duulay shacabka Koofur Galbeed, yaa qalin ku difaaci doono yaa qorshe ku difaaci doona, haddii aan intaas isku raacno waxaa heli doonaa Amni iyo Cadaalad”ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Doorashada Koonfur Galbeed oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa la fiyaa in ay qabsoonto 17-ka bishan, taas oo ay u taagan yihiin Musharraxiin dhowr ah.