Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Amar Cusub Soo Saaray…

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Amar Cusub Soo Saaray…

Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray amar cusub oo uu ku amray dadka degen xarunta Jaamacada Gaheyr in ay isaga guuraan.

Guddoomiyaha ayaa u qabtay dadka dagan jaamacadda Gaheyr muddo labo todobaad in ay ku faarujiyaan xarunta Jaamacadda.

Warkan oo qoraal ah kana soo baxay xafiiks guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in dhawaan dhismo lagu bilaaba doona xarunta Jaamacada,islamarkaan ay hormuud ka noqon doonta Wasaaradda Waxbarashada.

Xarunta Jaamacada Gaheyr ayaa haatan waxaa dakan dad shacab ah,waxaana dhowr jeer halkaasi ka dhacay is qabqabsi la xiriiri dhulka ay Jaamacadda laheyd.