Guddoomiyihii Howlwadaag Oo xilka laga qaaday, iyadoona xilkaasi loo magacaabay shaqsi uu wato Xildhibaan…

0

Guddoomiyihii Howlwadaag Oo xilka laga qaaday, iyadoona loo magacaabay xilkaasi shaqsi uu wato Xildhibaan…

Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Ismaan ( Yariisow ) ayaa maaanta isbedal ku sameeyay maamulka degmada Howlwadaag ee gobolkan Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye Yariisow ayaa waxaa xilkii looga qaaday C/kariin Cali Kaar guddoomiyihii degmada Howlwadaag, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Mahad Cabdi Caraale oo ka tirsanaa Shaqaalaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Mahad Cabdi Caraale uu wato Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS.

Horay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Ismaan ( Yariisow ) ayaa is bedal ugu sameeyay guddoomiyeyaashii degmooyinka Deyniile, Shangaani, Waabari iyo degmooyin kale.