Mas’uul ka tirsan Al Shabaab Oo walaalkiis DFS ay u magacawday xil muhiim ah…

0

Mas’uul ka tirsan Al Shabaab Oo walaalkiis DFS ay u magacawday xil muhiim ah…

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta isbedal ku sameeyay taliska Saldhigga Booliska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Waxaan xilkii laga qaaday taliyihii Sladhiggaasi oo magaciisa lagu soo koobay Canjeex, iyadoona loo magacaabay Cabdi Sheekh Ciise Axmed Gacal.

Cabdi Sheekh Ciise ayaa la sheegay in uu la dhashay guddoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ka dhalatay xilka qaadistan ay ka taagan tahay gudaha degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir.

Muddooyinkii dambe taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waday qorshe lagu dardar galinayo ammaanka magaalada Muqdisho.