Sarkaal Katirsan Al-Shabaab Iyo 20 Ilaaladiisa ah Oo Gacanta Lagy Dhigay

0

Sarkaal Katirsan Al-Shabaab Iyo 20 Ilaaladiisa ah Oo Gacanta Lagy Dhigay..

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha hoose ee kusoo dhacaya warqabadka Xaqiijiye Online ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay saakay howgal ka fuliyeen tuula hoostagto Degmada Afgooye ee gobalkaasi.

Dadka Tuulada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigaan Sarkaal katirsan Al-shabaab iyo 20 ilaalidiisa ah.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf xasan,waxaana dadka intaa raaciyeen in sidoo kale lala qabtay ciidamada isaga ka amar qaato kuwaa oo gaaraya 20 inkastoo aan magacyadooda la heynin.

Yuusuf iyo Askarta uu watay ayaa la sheegay in habeenkii halkaasi ay usoo hoyan jireen inta badan maalinkiina ay ka maqnaan jireen.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo howlgalkan fuliyay ayaan weli wax war ah kasoo saarin sarkaalka iyo askarta ay gacanta kusoo dhigeen