Wariye Caan ahaa Oo ku Geeriyooday Muqdisho

0

Wariye Caan ahaa Oo ku Geeriyooday Muqdisho

Waxaa aroortii hore ee Saaka magaalada Muqdisho ku Gueeriyooday Wariye C/risaaq Aadan Qaasim Qoslaaye oo ka mid ahaa Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Allaha unaxariistee Marxuumka ayaa waxaa xalay ku soo booday xanuun deg-deg ah, kadib markii uu ku dhagay Naqaska.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Ehelladiisa Wariye Qoslaaye ayaa durbo loola cararay Isbitaalka Difeer oo uu saaka ku Geeriyooday.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa Wariyeyaasha ka howlgala Television-ka Kalsan, xaruntiisa Muqdisho, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay Warbaahino kale.

Maanta ayaa lagu wadaa in Marxuumka lagu aaso Qabuuro ku yaalla gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.