Wasiirkii hore Ee Amniga Oo u jawaabay NISA, sheegayna…

0

Wasiirkii hore Ee Amniga Oo u jawaabay NISA, sheegayna…

C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee amniga Qaranka, haatana ah Xildhibaana ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS ayaa ka jawaabay war ka soo baxay Hay’adda NISA oo lagu hakiyay Qandaraas la sheegay in uu saxiixay sanado ka hor.

Ugu horreyn Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in si daah-furnaan uu xilka ku wareejiyay bishii April ee sanadkii hore 2017-kii.

Waxaana uu tilmaamay in uusan garaneyn sababta hadda ku soo beegtay Warbixintani ka soo baxday taliska NISA.

“Bishii April 4-teeda 2017 ayaa xilka wareejiyay ku dhowaad labo sano lagama hadlin, waxaa is weydiin mudan maxaa hada looga hadlayaa qandaraas la bixiyay oo la leeyahay wasiirki hore bixiyay, sababta wax kale ma ahan waxaa la rabaa in magaca laga dilo in dadka la cabsi geliyo, gaar ahaan siyaasiyiin, si aysan fikirkooda iyo dhaliilaha ay u soo jeediyaan dowladda aan loo soo jeedin, intaas waaye sababta ka dambeysa”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in NISA hadda ay isku bedashay Hay’ad lagu caburo siyaasiyiinta fakir ahaan ka soo horjeedo DFS, sida uu hadalka u dhigay.

Shalay ayaa barta Twitter-ka ee NISA lagu shaaciyay in la joojiyay Qandaraas Malaayiin Doller ah, kaas oo la sheegay in uu bixiyay Wasiirkii hore Amniga C/risaaq Cumar.