Xog:-Sababto keenta isku badbadalka xilalka mas’uuliyiinta G/ Hiiraan Oo la ogaaday….

0
top secret red square grungy vintage isolated stamp

Xog:-Sababto keenta isku badbadalka xilalka mas’uuliyiinta G/ Hiiraan Oo la ogaaday….

Maxamed Cali Caadle Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyay sababta keenta in markasta isbdal lagu sameeyo maamullada degmooyinka iyo kan gobolka Hiiraan.

Wasiir Caadle ayaa eeda koowaad dusha kaga tuuray Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in sababtu ay ugu wacan tahay Qabaa’illada daga Hiiraan oo badan Xildhibaanaduna ay ku dhagan yihiin  Beelahooda, si ay u helaan xilal muhiim ah.

“Mar marka qaar waxaa dhacda in mas’uul waajibkiisii shaqo si wanaagsan u gudanaya oo aan xitaa helin xuquuqdii uu ku lahaa maamulka Hirshabeelle in haddana xilka laga qaado” waayo haddii aan diidno rabitaanka xildhibaannada waxaa imanaya in halkaa wada shaqeyn xumo ka dhacdo” ayuu yiri Wasiirka.

Guddoomiyeyaal badan iyo mas’uuliyiin kale ayaa xilalkii laga qaaday, taas oo soo jiitameysay, tan iyo xilligii uu Madaxweyne ahaa Cali C/laahi Cosoble.