Deg-deg:-Wasiir caan ahaa Oo is calisay, sababtana shaaciyay…

0

War Deg Deg ah:-Wasiir caan ahaa Oo is calisay, sababtana shaaciyay…

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Wasiirkii Tamarta iyo iyo Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow  ku dhawaaqay in iska Casilay xilkaasi.

Wasiirkii hore ee Tamarta iyo iyo Biyaha ayaa sheegay in isagu uu go’aansaday in uu baneeyo xilkaasi, si uu buuxiyo shuruudaha Musharraxnimo ee K/ Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in uu yahay Musharrax uu taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi.

Lafta Gareen ayaa ka mid ah Musharraxiinta ugu cad cad doorashada Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay dhacdo  bishan November gudaheeda.