Ciidamada Amisom Oo Markii Ugu Horeysay Gaaray Deegaanada Soomaaliland Iyo Sababta O..

0

Ciidamada Amisom Oo Markii Ugu Horeysay Gaaray Deegaanada Soomaaliland Iyo Sababta O

Wararka ka imaanaya gobalka Sool ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Ciidama katirsan kuwa Amisom ay gaareen deegaanada Dhumey iyo Saaxdheer oo gobalkaasi ka tirsan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa kasocda dowladda Itoobiya oo qeyb ka ah howgalka Amisom ee gudaha dalka ka soconaya.

Sababta Ciidamadan Amisom loo geeyay Deganada Saaxdheer iyo dhumey ayaa la sheegay in ay tahay sidii ay ukula dhex geli lahaayeen Meeleeshiyo beeleedyo halkaasi ku sugan.

Arinkan ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo ciidamada katirsan Amisom ay gaareen deegaanada Maamulka Soomaaliland,welina majiraan wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Soomaaliland.