Imaaraadka Oo Shaaciyay Arin Lama Filaan Ah Waxna U Dhimeysa Qaranimada Soomaaliya..

0

Imaaraadka Oo Shaaciyay Arin Lama Filaan Ah Waxna U Dhimeysa Qaranimada Soomaaliya..

 Dowladda Dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in bartamaha sanadka soo socda ee 2019 ay Saldhig weyn ay ka furi doonta Magaalada Berbera kaaa oo uu weli muran ka taaganyahay.

Wargeys lagu magacaaba Bloomberg oo la hadlay saraakiil ka mid ah dowladda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin katirsan Maamulka Somaliland ayaa ayaa daabacay in saldhigga imaaraadka ee Berbera la furi doona June 2019.

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in haatan uu gabagabo maraya dhismaha Saldhiga oo ay ku baxeyso lacag gaareeysa $90 Million islamarkaan Saldhiga lagu xiray kaamariyoon dhaq dhaqaaqa la socda.

Diyaaradaha kaamirooyinka ay ku xiranyihiin ayaa la sheegay in ay la socon doonaan meel 800KM u jirto saldhigan cusub oo dhanka bada ah.

Saldhigan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan doona kaluumeysata Soomaaliyeed ee ka kaluumeysan lahaa xeebaha ka agdhaw Saldhigan maadaama 800KM oo dhanka badda ah laga ilaalin doona Saldhiga.