XOG:-Shariif Xasan Oo qaadanaya go’aan lama filaan ah, una guuraya dalka…

0

XOG:-Shariif Xasan Oo qaadanay go’aan lama filaan ah, una guuraya dalka…

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay ayaa ku warramaya in goor dhow Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo ee xatunta gobolkaasi looga yeeray xarunta Madaxtooyada maamulka K/ Galbeed Soomaaliya.

Xog hoose oo heleyso Shabakadda Xaqiijiye.com ayaa ku warramaysa in Shariif Xasan uu shaacin doono in uu gabi ahaan isaga tanaasulay u tartamida hoggaanka maamulkaasi.

Sidoo kale Xogta ayaa sheegaysa in Shariif Xasan uu u guuri doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, si uu ugu noolaado halkaasi, marka uu wareejiyo xilka.

Xaaladda siyaasadeed ee K/ Galbeed ayaa kacsan, iyadoona laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado doorashada la faliyo in ay dhacdo 17-ka bishan November ee 2018-ka