Faah faahin:-Qarax ay waxyeelo ka soo gaartay Askar iyo Shacab Oo ka dhacay Ceelsha Biyaha

0

Faah faahin:-Qarax ay waxyeelo ka soo gaartay Askar iyo Shacab Oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa DFS barqanimadii maanta lagula eegtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen Askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu yaraan illaa 4 Qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.