Tirada Dadkii Ku Dhintay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho Oo Sii Korodhay

0

Tirada Dadkii Ku Dhintay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho Oo Sii Korodhay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo is xig xigay oo shalay galab lagu weeraray hoteelka saxafi ee magaalada muqdisho.

Qaraxyadaasi ayaa noqanaya midkii ugu Khasaaraha badnaa marka laga soo tago qaraxii ka dhacay isgooska zoobe 14kii October ee sanadkii hore.

Tirada ku dhimatay qaraxyadii dhacay ayaa lagu sheegay inay ka badanyihiin 50 ruux,  halka dhaawacyadu lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 106 ruux kuwaasi oo badan koodu ah dad shacab ah oo goobta marayay.

Balse xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo la hadlay GARMAAL NEWS.  ayaa sheegay in gacantiisa uu ku qaaday ilaa 47 ruux oo meyd ah tirada dhawcyadane ay ahaayeen kuwa badan.

Dowlada Soomaaliya Weli War rasmi ah kama soo saarin khsaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.