C/weli Gaas Oo Eedeyn Culus U Jeediyay Dowladda Dhexe

0

C/weli Gaas Oo Eedeyn Culus U Jeediyay Dowladda Dhexe

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas oo la hadlay laanta Afka soomaaliga ah ee VOA  ayaa si qoto dheer kaga hadlay halka asal ahaan uu ka soo bilowday  khilaafka hareeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Cabdi Weli Gaas ayaa dowlada dhexe   ku eedeeyay in kaliya ay ahmiyad siiyaan shaqaalaha dowladda ee joogo Magaalada muqdisho.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay in Dowladda  dhexo oo dhoor jeer ooh ore sheegtay in ay bixiyeen dhamaan mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda balse Madaxwayne gaas ayaa timlaamay in ay kaliya bixiyaan sida uu sheegay mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ee Magaalaa Muqdisho ku sugan.

Khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo maamul gobaleedyada ayaa xiligan waxaa uu marayaa meeshii ugu xumeed.