Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho Oo La Joojiyay Kadib Markii Uu..

0

Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho Oo La Joojiyay Kadib Markii Uu..

Wararka laga helaya Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay la joojiyay duulimaadyadii garoonka ee gudaha iyo dibadaba sida ay sheegayaan shaqaalaha halkaasi ka shaqeeya.

Qaar kamid ah shaqaalaha oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in laga soo celiyay ilinka hore ee laga galo garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Sababta ayeey ku sheegeen in garoonka uu dabka ka kacay saqdii dhexe ee xalay kaa oo gabi ahaanba baabi’iyay Madaayad gudaha Garoonka ku dhex taalay.

Dabka ayaa ka kacay Maqaayad ku taala agagaarka halka ay ka baxaan duulimaayad caalamiga ah,

Shirkada Maamusha Garoonka Aadan Cade Ee Favori ee laga leeyaha dalka Turkiga ayaa la sheegay in aysan heysan wax dab-damis ah taana ay keentay ina maqaayada gabi ahaanba ay gubato.