Kulanka Baarlamaanka oo markii 3aad baaqday iyo Guddoomiye Mursal oo maanta

0

Kulanka Baarlamaanka ee qorshihiisa ahaa maanta oo Sabti ah inuu dhaco ayaa baaqday, iyadoo markii 3aad ay tahay oo kulamada Baarlamaanka baaqnayo, tan iyo wixii ka dambeeyay doodii muranka iyo buuqa dhalisay ee Sabtidii la soo dhaafay uu ka yeeshay Baarlamaanka warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad uu ku sameeyay Guddigaas.

Khilaafka Golaha Shacabka ayaa mar kale waxaa uu qarka u saaran yahay kala qeybsanaan cusub oo hareysa Xildhibaanada iyo Guddoonka, kaddib kala diridii Guddiga Maaliyadda.

Maalmihii Isniinta iyo Arbacadii ayuu kulanka Baarlamaanka baaqday, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad inuu si qaldan u maamulay kulankii sabtidii hore, iyagoo dacwad ka gudbiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qudhooda ku kala qeybsan kala dirida Guddiga Maaliyadda, Xildhibaanada taageersan Xukuumadda ayaa soo dhoweeyay kala diridaas, halka Xildhibaanada kale ay ka soo horjeedaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa saaka lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, iyadoo la sugayo go’aanka kama dambeysta ah ee Guddoomiyaha ka qaadan doono kala dirida Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

Mr Mursal oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in marka uu Muqdisho ku laabto uu eegi doono xeer hoosaadka, isla markaana ka hadli doono wixii sharciga ka qabo kala diridaas, inkastoo si kooban u xusay in Guddiga uu ka bixi karo sidii markii hore lagu soo magacaabay, taasoo ah in go’aanka Golaha uu ku bixi karo.

Si kastaba ha ahaatee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sanad gudihiisa waxaa uu wajahayaa buuqii labaad oo ah mid siyaasadeed, iyadoo horaantii sanadkan uu Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka uu hareeyay Ololihii lagu riday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari.