XOG: Akhriso Qodobada ay ku kala Fogaadeen Farmaajo, Kheyre iyo Guddoomiye Mursal.

0

XOG: Akhriso Qodobada ay ku kala Fogaadeen Farmaajo, Kheyre iyo Guddoomiye Mursal.

Warar hoose ee lahelaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ku qasbanaaday inuu qaato Go’aanka uu kusoo celiyay Guddigii Maaliyadda Golaha oo hore Guddoomiye kuxigeenka Koowaad uu u kala diray.

Maxamed Mursal ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre hordhigay Shuruud ah in Dowlada Federaalka ay ogolaato inuu Doorashada Koofur Galbeed ka qeyb galo Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Dowlada ay diidan tahay iyo in Ciidamada Dowlada ay geysay Magaalada Baydhabo dib loo soo celiyo.

Guddoomiye Mursal ayaa kasoo horjeeda habka Villa Somalia ay u fara galineyso Doorashada Koofur Galbeed isagoo dhowr jeer shirar uu la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka digay caqabadaha ka dhalan kara.

Guddoomiyaha oo Dalka ka maqan ayaa Baarlamaanka waxaa gilgilay Warbixin ay Guddiga Maaliyadda soo saareen oo ay Musuq maasuq ku eedeynayaan Xukuumadda Kheyre gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo taasi ay ka dhalatay Xiisad xoogan oo ugu dambeyn sababtay in Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee kala diro Guddiga Maaliyadda.

Mursal ayaa markii uu dalka kusoo laabtay la yimid qorshe ka duwan midka Madaxda Dalka iyadoo garbihiisa ay kasoo muuqdeen Xildhibaano Mucaarad ah oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Madaxda Dalka ayuu ku Wargeliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay faraha kala baxaan Doorashada Koofur Galbeed balse markii loo cadeeyay in arrintaasi aysan dhici karin wuxuu ku hanjabay inuu soo celinayo Guddiga Maaliyadda isagoo shalay go’aankaasi ku dhawaaqay.