Guddoomiye Mursal Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaadanaya Xildhibaanada Mooshinka Keenay Iyo Xog Lag Helay.

0

Guddoomiye Mursal Oo Kulan Xasaasi Ah  La Qaadanaya Xildhibaanada Mooshinka Keenay Iyo Xog Lag Helay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu wadaa in Xarunta Villa Hargeysa ee Magalaada Muqdisho in uu kula kulmo  qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Kuwaa oo Mooshin ka keenay Madaxweyne Farmaajo.

Xogta laga helaya kulankan ayaa sheegeysa in Guddoomiye Mursal iyo Xildhibaanada ay ka wada hadli doonaan sida ay ka yeeli lahaayeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo kaa oo qalqal geliyay xaalada Siyaasadda ee dalka.

Balse waxaa la ogeyn sida Xildhibaabada Mooshinka wada ay ku geli doonaan xarunta Madaxtooyada maadaama ay adagtay gelitaanka Madaxtooyada Amarna laga soo saaray hanaanka gelintaanka Madaxtooyada.

Guddoomiye Mursal iyo Xildhibaanada ayaa la sheegaya in ay ka wad hadli doonaan taalbooyinka ay qaadi karaan si ay u socod siiyaan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo.