R/wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Eritrea Oo Muqdisho Kusoo Wajahan

0

R/wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Eritrea Oo Muqdisho Kusoo Wajahan

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afwerki ayaa la faliyaa in magaalada Muqdisho ay si wadajir ah usoo geeraan ayna lakulmaan madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Wararka ku aadan arrimahan ee la helaya ayaa sheegay in maalinimada beri ah ay suura gal tahay in garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ay kasoo dagtaan Abiy Axmed iyo Isias Afwerki.

Booqashada labadan Mas’uul ayaa ah in sidii loo dhameystira lahaa heshiiska sedax geesoodka ahaa ee Soomaaliya,Itooboya iyo Eritrea.

Waqtiga imaatinka Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa kusoo aaday xili siyaasada dalka ay tahay mid aad u kacsan mooshina uu ka yaala Madaxweynaha sida ay qabaan qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka.