AKHRISO:- Sedaxda Qodob Ee Farmaajo Iyo Kheyre Ay Ka Rabaan Guddoomiye Mursal

0

AKHRISO:- Sedaxda Qodob Ee Farmaajo Iyo Kheyre Ay Ka Rabaan Guddoomiye Mursal

Iyadoo uu taaganyahay Khilaaf ka dhex jiro madaxda ugu sareysa dalka isalmarkaan guddoomiyaha golaha shacabka uu qabtay mooshin muran dheliyay oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana mooshinka uu haatan u egyahay mid aan socon karin ayaa wax jiro qodoba ay ku qanci karaan Farmaajo iyo Kheyre si xaalada siyaasada dalka u noqota mid dagan.

Qodobadan ayaa waxaa ugu waa weyn ilaa iyo sedax qodob kuwaa oo ay adagtay si uu aqbalo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo haatan ku jira wax u eg xabsi gurimadaama Xildhibaanada Mooshinka wada aysan u tagi karin guddoomiyaha.

Qodobka 1-aad ayaa in Maxamed Mursal Sheek C/raxmaan Mooshinka uu kalaabto uuna shaaciya inuu yahay mid buray oo aan la horgeyn karin kulamada golaha shacabka.

Qodobka 2 ayaa ah in guddoomiye Mursal uu faraha kala baxo arrimaha doorashooyinka maamulka K/galbeed Soomaaliyeed kuwaa oo la filayo in dhawaan ay ka dhacaan magaalada Baydhobo.

Qodobka 3-aad ayaa in guddoomiyaha oo uu kalaabta go’aankii ahaa in shaqadoodu ay sii wataan gudiga maaliyada oo uu kala diray guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka islamarkaan uu la heshiiyo labadiisa ku xigeen.