Ciidanka amniga Oo qabtay Gaari siday Qaraxyo, kadib markii…

0

Ciidanka amniga Oo qabtay Gaari siday Qaraxyo, kadib markii…

Ciidamada ammaanka ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay M/ Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku qabaty Gaari siday Qaraxyo.

Gaariga oo ka yimid duleedka magaaladaasi ayaa waxaa Ciidamada amnigu ay ku qabteen Koontarool ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii Ciidamadu baaritaano ay ku sameeyeen Gaarigaasi laga helay Jawaano ay ka buuxiyaan Bambaanooyin.

Wasiirka amniga Maamulkaasi Xasan Maxamed Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa u mahadceliyay Ciidamada amniga ee qabtay Qaraxyadaasi iyo shacabkii la shaqeeyay.

Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in haatan gacanta lagu hayo Darawalkii waday Gaarigaasi, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Ammaanka Baydhabo ayaa maalmihii dambe si aad loo xoojiyay, iyadoona la filayo in dhawaan magaaladaasi ay ka dhacdo doorashada hoggaanka K/ Galbeed Soomaaliya.