Faahfaahin Laga Helayo Al-Shabaab Oo Sedax Ruux Ku Toogtay….

0

Faahfaahin Laga Helayo Al-Shabaab Oo Sedax Ruux Ku Toogtay…. Wararka ka imaanaya deegaanka Mubarak ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Al Shabaab halkaasi ay ku toogteen sedax ruux oo ay xukuno ku rideeen.

Maxamuud Faarax Aadan 28 jir ah,Mahad C/llaahi Abuukar 29 jir ah iyo Maxamed Tifow Xeydar oo 59 jir ah ayeey kala ahaayeen ragga Al Shabaab at ku toogteen gobalka Sh/hoose.

Mahad C/llaahi Abuukar iyo Maxamuud Faarax Aadan waxa ay Al Shabaab ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya halka Maxamed Tifow Xeydar ay ku eedeeyeen in uu kamid erdgada soo xushay Xildhibaanada.

Goobta Sedaxdan ragga ah lagu toogtay ayaa aheyd goob fagaaro iyadoon ay joogeen tiro shacab oo daawanayay qaabka toogashada Al Shabaab ay fulinayeen.