Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ka Hadlay Mooshinka Madaxweynaha Kadib Markii Uu Ka Guuray… 

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ka Hadlay Mooshinka Madaxweynaha Kadib Markii Uu Guuray… 

Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxman oo ka guuray xarunta Madaxtooyada islamarkana dagay Hotel u dhaw garoonka Aadan Cade ee Magaalada
Muqdisho ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu kaga hadlay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay Madaxweynaha uu yahay mid saxan isagoona sheegay in Mooshinka uu waafaqsanyahay  Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalo.

Marka laga soo tagay warkan qoraalka ah ee kasoo baxay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa jiri in dhawaan la filayo in si toos ah uu ula hadlo warbaahinta madaxa banaan ee Magaalada Muqdisho.

Hotelka haatan uu dagay guddoomiya Mursal ayaa waxaa la sheegay in ay kusii qulqulayaan qaar kamid Xildhibaanada golaha shacabka kuwaa oo kalhore mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo.