Ra’isulwasaare Kheyre Oo Safar Dibadda U Baxay Iyo Sababta Oo La Ogaaday.

0

Ra’isulwasaare Kheyre Oo Safar Dibadda U Baxay Iyo Sababta Oo La Ogaaday.

Ra’isulwasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ambabaxay dalka Qadar oo kamid ah dalalka
saaxibada dhaw la ah dowladda Soomaaliya.

Sababaha Ra’isulwasaare Kheyre uu aaday dalka Qadar ayaa waxaa ugu weyn in uu ka qeyb galo shirka Madasha Doha Forum
kaaso oo lagu casuumay sanadkii horane uu ka qeyb galay.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirkan ka jeedi doona kudbad uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed iyo mid amni ee dalka,wuxuuna sidoo kale ka hadli doonaa hormarada ay dowladda gaartay

Safarka Ra’isuwasaaaraha ayaa kusoo aaday xili dalka ay ka jirto xaalad kacsanaan siyaasadeed oo ku aadan in Mooshinka laga keenaya
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.