XOG:-Guddoomiye Mursal Oo ka guuray Madaxtooyada, una guuray degmada…

0

XOG:-Guddoomiye Mursal Oo ka guuray Madaxtooyada, una guuray degmada…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ka guuray Gurigii uu ka daganaa dhismaha madaxtooyada Soomaaliya ee M/ Muqdisho.

Guddoomiye Mursal ayaa dagay Hoteel Shabeel oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Hoteelka uu dagay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u dhow Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu cadaadisyo xoogan  la kulmayay guddoomiyaha BFS oo qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.