Ganacsade La Toogtay Aabihiisna La Dhaawacay Iyo Kooxihii Dilka Geystay Oo..

0

Ganacsade La Toogtay Aabihiisna La Dhaawacay Iyo Kooxihii Dilka Geystay Oo..

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in kooxa biskoolada ku hubeysan magaaladaasi ay ku toogteen Marxuum C/qaadir Maxamed  Saleebaan oo kamid ah ganacsatada Magaaladaasi.

Kooxahan dilka geystay ayaa sidoo kale dhaawacay Maxamed Saleebaan oo ah ganacsada la dilay Aaabahiis.

Dad goobta dilka uu ka dhacay ka agdhawaa ayaa sheegay in laba ruux oo biskoolada ku hubeysan ay dilka ka danbeeyaan islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland oo goobta gaaray ayaa howlgalo ka sameeyay goobta dilka uu ka dhacay inkastoo kooxaha dilka geeystay ay goobta ka baxsadeen inta aysan gaarin ciidamada.