Xuukamada Soomaaliya Oo Si Kulal Kaga Hadashay Mooshinka Laga Keenay M/weyne Farmaajo

0

Xuukamada Soomaaliya Oo Si Kulal Kaga Hadashay Mooshinka Laga Keenay M/weyne Farmaajo

Ra’isulwasaare ku xigeem dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Maxamed C/llahi Maxamed Farmaaji ayaa sheegay in Mooshinka uu yahay mid haatan buray.

Mudane Mahdi ayaa sheegay in wax fudud aysan aheyn in Mooshin laga keenaya Madaxweynaha isagoona xusay in ku dhawaad sanad ay qaadan doonta in xilka laga qaado madaxweyne Faraamjo.

Isagoo hadalkiisa sii wato Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaa uu sheegay in baaritaano ay u baahanyihiin qodonada lagu soo eedeeyay Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Marka laga soo tago hadalka ra’isulwasaare ku xigeenka dalka ayaa imaanaya iyadoo weli xidhibaanada golaha shacabka ay ee mooshinka keenay ay ku adkeysanaayan in weli mooshin uu jiro oo uusan burin.