Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Aadan Yabaal

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay nawaaxiga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/ Dhexe.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa ay ka taagan tahay tuulada Quruci-Xalfooley oo u dhow deegaanka Ceel-Dheere Buraale oo hoos yimaada degmadaasi.

Labo maleeshiyo beeleed oo Xoolo Dhaqato ah ayaa la sheegay in ay u dhexeyso xiisadaasi, kuwaas oo isku haya arrimo la xariira dhul daaqsimeed.

Sidoo kale xiisadan ayaa lagu soo warramayaa in ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii gaadiidka, iyadoona gawaari badan oo ku sii jeeda Aadan Yabaal ay haatan ku xadhiban yihiin agagaarka degmaaasi.

Shalay ayey aheyd markii beelahani dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray halkaasi.